Sign in to follow this  
Deeq A.

Kororka dadka ee Biritayn oo ku salaysnaan doona “dadka soo haajira”

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116346-1440x960.jpgKororka tirada dadka Biritayn wuxuu ku salaysnaan doonaa dadka soo haajira.

London (Wararka PP) — Dalka Birtayn wuxuu galay waa cusub kaddib markii la ogaaday in tirada dadka geeriyooda ay ka badan doonaan ilmaha dhasha laga billaabo sanadkan 2026. Xog cusub oo ka soo baxday Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS) ayaa xaqiijinaysa in “koritaankii dabiiciga ahaa” ee Biritayn uu idlaaday.

Markii cudurka safmarka ee Covid-19 uu socday mar ayay tirada dadka geeriyooday ka badatay ilmaha dhashay, kaddib koror yar oo tirada ilmaha dhasha ayaa dhacay.

Xeeldhaarayaashu waxay tilmaamayaan laba sababood oo waaweyn: faca dhashay dhammaadii Dagaalkii Labaad iyo Billowgii Lixdamaadkii qarnigii hore oo gaboobay (a) iyo heerka dhalmada oo hoos u dhacay. Isbeddelkan wuxuu macnahiisu yahay in kororka tirada dadka Biritayn ee mustaqbalka uu dhammaantiis ku tiirsanaan doono dadka ka soo haajira dalalka kale.

Dhaqaalayahannadu waxay sheegeen in isbeddelkani uu cadaadis weyn uu saari doono Adeegga Caafimaadka Qaranka iyo dadka hawlgabka ah ee dowladdu wax siiso, sababtoo ah waxaa jiri doona shaqaale yar oo bixin kari doona lacagta la siiyo dadka da’da hawlgabka gaaray. “Waxaannu aragnaa isbeddel tirada dadka ah oo joogto ah,” ayay tiri afhayeen u hadashay Resolution Foundation.

In kasta oo tirada dadku kordhi doonto, hase ahaatee waxaa kordhi doona faraqa u dhexeeya tirada dhalashada iyo tirada dhimashada 25-ka sano soo socda. Taasi waxay keeni doontaa in dowladdu dib u eegto qorshayaasha xilliga fog ee guriyeynta iyo daryeelka caafimaadka.

© Puntland Post, 2026

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this