Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin, Cabdikariim Guuleed iyo  Cabdirisaaq Khaliif oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116524.jpg

Agaasimihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xubnahan ayaa Muqdisho u yimid in ay ka qaybgalaan shirka koowaad ee asaaska iyo daahfurka xisbiga mucaaradka ah ee Midowga Haybad Qaran oo Muqdisho ka dhacaysa 8-da bishan Jannaayo 2026.

Xubnahan ayaa ka mid ahaa 10 siyaasi oo bishii Noofeember 2025 Turkiga kaga dhawaaqay in uu musharax madaxweyne u yahay Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Fahad Yaasiin oo markii ugu dambeysay ahaa la-taliyihii ugu dambeeyay amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo waa markii ugu horreysay ee uu Muqdisho ku soo laabto tan iyo intii uu isaga tegay kadib dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ka soo duulay dalka Turkiga oo uu degan yahay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this