Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaan ka Naqaan Ciidanka Delta ee Soo Qaban Waayay Jeneraal Caydiid ee Soo Xiray Madaxweynaha Venuzuella?

Recommended Posts

Deeq A.   

WQ: Ayuub Jafaal
Sharciyaqaan iyo Suxufi

Taariikhdu waa 03da Janaayo 2026, amintuna waa saqbar, badi dadyowga dunidu weli waxay ku mashquulsan yihiin fasaxyadii dabbaaldegga sannadka cusub, se dalka Venuzuella xaaladdu tan waa ka geddisan tahay, Madaxweynaha iyo ciidamada dalkaasi waxay ku jiraan heegan iyo xaalad hubanti-la’aan ah, oo ay ka cabsi qabaan in weerar dhinaca badda ama dhulka ah uu dalka Maraykanka ku soo qaado dalkooda, ka dib hanjabaadyo isa soo tarayay, oo ka imaanayay Madaxweyne Trump, se hal mar ayaa wax walba si lamafilaan ah isu beddeleen.

Diyaaradaha qummaatiga u kaca (helicopters) ayaa lagu war helay iyaga oo dul heehaabaya Caasimadda Karakas (Caracus), waxa ay si lamafilaan ah duqaymo uga gaysteen qaar kamida fadhiisimada ciidamada Venuzuella iyo agagaarka madaxtooyada dalka, qiiq iyo holac huruud ah ayaa hal mar cirka isku shareeray, saacado yar ka dibna, Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa iclaamiyay, inay gacanta ku soo dhigeen Madaxwaynihii dalka Venuzuella iyo xaaskiisii, haddaba maxaan ka naqaan ciidanka Delta (Delta Force), ee gacanta ku soo dhigay Madaxweyne Nicholas Maduro.

Maxaan ka Naqaan Ciidanka Delta?

Ciidanka Delta oo loo yaqaan Ciidanka Hawlgalka 1aad, (1st Special Forces Operational Detachment) waa mid ka mid ah unugyada ugu xirfadda sarreeya ciidamada Maraykanka, shaqadooda kowaad waa argaggixisa-la-dagaallanka, se hawlgalladoodu intaas waa ka ballaaran yihiin, waxay u xilsaaran yihiin:
· Qabashada ama burburinta goobaha aan la geli karin,
· Dib-u-soofurashada maxaabiista ku jira gacanta burcadda ama argaggaxisada; iyo,
· Hawlgallada badbaadinta ciidamada ama rayidka go’dooma.

Ciidankan ayaa la asaasay 21dii Nofeenbar 1979kii ka dib markii falal amnidarro oo isdabajoog ah ka dhaceen carrada Maraykanka, waana ciidan uu hawlgalladooda ku gedaaman yahay afgaabni iyo sir aad u heer sarraysa, si loo hubiyo kartidooda maskaxeed iyo middooda jireed ee qof kasta oo xubin ka noqonaya ciidankan, waxaa la marsiiya imtixaan iyo hubin aad u adag, ilaa iyo haddana si dhab ah looma yaqaan tirada ciidankan iyo hoggaankooda kala duwan. Ciidamadan ayaa fuliyay hawlgallo dunida ka caanbaxay, oo guul iyo fashil labadaba soo hooyay.

Hawlgallada uugu caansan ee ciidankani fuliyay waxaa ka mid ah, dilkii Madaxii Argaggaxisada al-Qaacidda ee Usaama bin Laadin, ka takhallusiddii Hogaamiyihii Ururka Daacish Abuubakar al-Baqdaadi, soo qabashadii madaxda dalalka Girinaada (1973) iyo Banama (1989) iyo soo qabashada Madaxweynaha Venuzuella, Nicholas Maduro.

Ka sokow guulaha ciidankani u soo hooyay dalka Maraykanka, sidoo kale waxaa jira guuldarrooyin diiwaanka u galay, oo uu ugu caansan yahay, guuldarradii ay kala kulmeen soo qabashada hogaamiyihii USC, Jeneraal Maxamed Faarax, Maraykanka ayaa Soomaaliya u yimid hawlgal iskudhaf ah oo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Maraykanka iyo ciidan ka socda Qaramada Midoobay, oo loogu magacdaray Hawlgalkii Reja-soocelinta (Operation Restoration Hope ), se isfahamwaa ka dhex dhashay ciidamadii uu Maraykanku hoggaaminyay iyo Maxamed Farax Caydiid ayaa sababay, in marar badan uu isfarasaar dhex maro Ciidamada Qaramada Midoobay iyo ciidamadii Caydiid.

Intaa ka dib, Maraykanka ayaa go’aamiyay in gacanta lagu soo dhigo Jeneraal Caydiid, 03dii Oktoobar 1993, ciidamada Delta ayaa qorsheeyay hawlgal lagu qaaday goob ay filayeen in uu joogo Jeneraal Caydiid si loo soo xiro, hasayeeshee maleeshiyo ku hubaysan qoryo fudud iyo hub aan casri ahayn ayay kala kulmeen, iskacaabbin adag, saddex ka mid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Black Hawk ayay soo rideen, iyaga oo ku dhuftay qoriga baasuukaha (RPG) ee garabka laga rido.

Sidoo kale, mid ka mid ah duuliyayaashii diyaaradaha ayay maleeshiyadu gacanta ku dhigeen, halka ciidankii ka badbaaday burburka diyaaradaha ay dantu ku kalliftay in ay isdifaacaan ilaa waaberiga subixii danbe, iyada oo hawlgalkan loogu talagalay inuu socdo saacad keli ah, ayuu qaatay wax ka badan 24 saacadood, ilaa subaxa danbe ciidan tiro badan, ay soo bad baadiyeen ciidankii go’doonsanaa.

Dhacdadan, ayaa dunida ka caanbaxday, iyada oo laga sameeyay filinka caanka ah ee “Black Hawk Down”, guuldarradan oo dharbaaxo kulul ku noqotay dawladda Maraynka iyo ciidankeeda Delta oo la aaminsan yahay in ay yihiin kuwo aan la holin karin.

Ugu danbayn, dunida ayaa maanta u muuqata mid sharciyaddeedi sii laalmayso, iyada oo arrintu immika u muuqato, tii ay Soomaalidu kaga maahmaahi jireen “ninkii xoog leh ayaa xaajo u fushaa”—tiiyoo ay Soomaalidu weli la daalaadhacayso, aafadii ka dhalatay, burburkii Dawladdii Dhexe ee dalka, Janaayo 1991dii.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this