Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo dalbaday in lala heshiisiiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpg?fit=2290%2C1706&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday in lala heshiisiiyo dhinacyada kasoo horjeedo, gaar ahaan Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu muujiyay dabacsanaan, isla markaana uu Shariif la wadaagay rabitaankiisa ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis mideysan, maadaama haatan ay soo korortay xaalad culus oo la xiriirta midnimada dalka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay kasoo qayb-galayaan dhammaan daneeyayaasha siyaasadda oo mucaaradka horay ugu baaqeen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta uga codsaday inuu door muuqda ka qaato sidii shirkaasi u noqon lahaa mid guul ku dhammaada oo lagu gaaro heshiis qaran oo xal u noqda xiisadaha taagan.

Dhankiisa Shariif ayaa adkeeyay inuu diyaar u yahay ka qayb-qaadashada dadaal kasta oo horseedi kara in Soomaali isku timaaddo, lana xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee jira, iyada oo loo wajaho si midnimo ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan doonaya in cadaadiska uga imaanaya mucaaradka uu hoos u dhigo, isla markaana uu ku qanciyo in wax walba ay ka horreeyaan difaaca midnimada, kadib xad-gudubka Israa’iil oo iyadu dhawaan sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Dalabka kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, iyada oo muddo dheer ay kala maqan yihiin isaga iyo hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo hadda banaanka ka joogo qorshaha Vill Somalia ee hannaanka lagu wajahayo doorashooyinka 2026.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid diblumaasiyadeed iyo xaalad kale oo ka dhalatay abaaro ku dhuftay dalka.

The post Xasan Sheekh oo dalbaday in lala heshiisiiyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this