Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga filan karaa kulanka aan caadiga aheyn ee u socda Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
Golaha-Wasiirada.jpg?fit=2048%2C1366&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa haatan kulan xasaasi ah kuleh xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tegay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Kulankan oo ah mid aan caadi ahayn ayaa waxaa diirradda lagu saarayaa xaaladda soo korortay, gaar ahaan midnimada dalka, si loo xoojiyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageysanaya warbixinnada Golaha Wasiirrada, kadibna waxaa uu la wadaagi doonaa qorshayaashac usub ee dowladdiisa, maadaama loo baahan in la qaado tallaabooyin looga jawaabayo xadgudubka Israa’iil.

Waxaa kale oo kulanka looga hadlayaa dedaallada lagu xoojinayo amniga Qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab, xaaladaha abaaraha iyo arrimo kale.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in golaha uu sameeyo isbeddallo waa wayn oo saameyn doono hay’adaha dowladda oo ay ku jiraan kuwa amniga, taas oo aad loo hadal-hayo, kadib xog lagu baahiyay baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in marka uu soo dhammaado kulankan aan caadiga ahayn laga soo saaray war ku aadan qodobada laga wada-hadlay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan waday kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda, kuwa mucaaradka, dowlad-goboleedyada iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadlayay xoojinta midnimada dalka.

Xalay oo ay ugu dambeysay wuxuu kulan kadis ah la qaatay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu ugu tegay hoygiisa, wuxuuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa tabashada mucaaradka iyo midnimada guud ee dalka.

The post Maxaa laga filan karaa kulanka aan caadiga aheyn ee u socda Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this