Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay kulanka Golaha Wasiiradda ee uu guddoomiyay Xasan?

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-golaha-wasiirrada.webp?fit=1200%2C

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay xaaladda guud ee dalka, si gaar ahna diiradda loo saaray xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo arrimaha la xiriira xiriirka caalamiga ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa la horgeeyay warbixinno ku saabsan dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo caalamka, kuwaas oo lagu diidan yahay sheegashada Israa’iil ee ah inay aqoonsi siisay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirrada ku boorriyay in ay ka feejignaadaan hadal ama tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirkooda.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Sheekh Bashiir Saxansaxo ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Golaha Wasiirrada la wadaagay faahfaahin ku saabsan tallaabooyinkii diblomaasiyadeed ee lagu hor istaagay sheegashada Israa’iil, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya si cad u diidday.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa kulanka ku meel mariyay heshiisyo muhiim ah oo la xiriira horumarinta kaabeyaasha gaadiidka badda iyo tayaynta xirfadaha badmaaxiinta.

Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku adkeeyay in ansixinta heshiisyadan ay wax weyn ka tari doonto kobaca dhaqaalaha badda, sare u qaadidda tayada shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya badda, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

The post Maxaa ka soo baxay kulanka Golaha Wasiiradda ee uu guddoomiyay Xasan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this