Deeq A. Posted Sunday at 08:22 AM Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay howlgal cusus ka fulisay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaas oo xarunta ugu weyn u ah kooxda Al-shabaab. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada kumaandooska Danab ee ciidanka xoogga dalka ay xalay fuliyeen hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loo beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab. Hawlgalka ayaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka 8 kale gacanta lagu dhigay, sida lagu xusay war-saxaafadeedka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya faahfaahin intaas dheer kama bixin howlgalkaas, lamana sheegin in xubnaha la qabtay iyo kuwa dilay ay ku jiraan madax sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Maalmo ka hor dowladda Soomaaliya waxay shaacisay in degmada Jilib lagu dilaymadaxii qaybta qaraxyada ee kooxda Al-shabaab Cabdullaahi Cismaan oo loo yaqaanay “Injineer Ismaaciil”, kaas oo la tilmaamay in lagu dilay howlgal dhacay 10-kii Diseembar 2025. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites