Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Calmiskaad

Recommended Posts

Deeq A.   
1000115620-1440x810.jpg

Taliyihii saadka ururka Dayax ee ciidamada daraawiishta Puntland Jaamac Maxamed Caduur (Af-dhashiike) iyo labo askari oo kale ayaa ku dhintay qarax miino oo maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari miino baaris ah oo marayay wadada dhismaheedu socdo ee xiriirisa magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa nooca dhulka lagu aaso waxaa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaaray ilaa afar askri oo kale oo la socday gaariga la qarxiyay.

Qaraxyada dhulka lagu aaso ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay deegaanno ka tirsan Calmiskaad oo hore looga qabsaday kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas oo marar badan khasaare ka soo gaaray ciidamada Puntland.

Dagaalka Calmiskaad ee ka dhanka Daacish ayaa qaatay muddo sanad ah, waxaana dhawaan isbadalka lagu sameeyay ciidamada Puntland ee halkaas ka dagaalamayay, iyada oo ciidan cusub la geeyay, kuwii horena laga soo dejiyay buuraha.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this