Sign in to follow this  
Deeq A.

dowladda Venezuela oo war ka soo saartay qabashada Madaxweynehooda Nicolas Maduro iyo xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

l

Dowladda Venezuela ayaa sheegtay in aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin Madaxweynihii dalkaas Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Madaxweyne-ku-xigeenka Venezuela, Delcy Rodríguez.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Maraykanku gacanta ku dhigay Maduro iyo xaaskiisa.

Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in dowladda Venezuela ay la yaab ku noqotay hadalka ka soo yeeray Aqalka Cad, iyadoo xustay in aysan jirin wax war ah ama xaqiijin rasmi ah oo muujinaya in madaxweynaha iyo marwada koowaad ay ku jiraan gacanta Mareykanka.

Waxay intaas ku dartay in xaaladdu ay tahay mid mugdi ah oo walaac amni dhalisay, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo xogta dhabta ah.

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa si degdeg ah u kiciyay falcelin ballaaran oo gudaha iyo dibadda ah, iyadoo khubarada siyaasadda ay ku tilmaameen arrintan mid keeni karta xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo hor leh oo ka aloosanta gobolka Latin America.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this