Sign in to follow this  
Deeq A.

Afti lagu go’aaminayo madax-bannaanida koonfurta Yemen oo la qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), Aidarous al-Zubaidi oo Imaaraadka uu tageeerro , ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay marxalad kala-guur ah oo socon doonta laba sanno, taas oo kaddib lagu qaban doono afti lagu go’aaminayo madax-bannaanida koonfurta Yemen.

Waxaa kaloo uu beesha caalamka ugu baaqay in ay kafaala-qaaddo wada-hadallo u dhexeeya dhinacyada ay khusayso arrinta Yemen, gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga, si loo helo jid cad, isla markaana loo dejiyo hannaan dammaanad qaadaya xuquuqda dadka reer koonfurta.

Hadalkan ayaa yimid kaddib dagaallo ka dhacay gobolka Hadramout, kuwaas oo u dhexeeyay isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo iyo ciidamo ka tirsan Golaha Koonfurta.

Intii ay dagaalladu socdeen, ciidamo daacad u ah guddoomiyaha gobolka Hadramout, Salem al-Khanbashi oo taageerro ka helaya Sacuudiga ayaa la wareegay saldhigga ciidan ee ugu weyn gobolka, kaas oo ay hore u maamulayeen ciidammada Golaha Koonfurta.

STC, ayaa ku guul darraystay qorshe ay doonaysaan inay kula wareegto guud ahaan Koonfurta Yemen, kadibna ku dhawaaqdo in Koonfurta ay ka go’day waqooyiga Yemen oo ay madax bannaani shaaciyaan, tan oo bilowgii hore u muuqatay wax suragal ah markii STC ay qabsadeen dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Hadramout, balse wax walba ayaa is beddelay markii Sacuudiga uu arkay inay ciidanka soo gaareen xadkiisa,taa oo ku qasabtay inuu farageliyo kana saaro gudaha Yemen , ciidanka Imaaraadka ee taageerrayay STC. Hadda waxay ku dhawaaqistan soo baxday xilli uu cadaadis saaray Sacuudiga — ciidanka Golaha Koonfurta Yemen , kuwaasoo iyagoo aan gaarin qorshahooda soo hormariyay inay ka jaraan dhulka ay heystaan inta kale ee Yemen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this