Sign in to follow this  
Deeq A.

Guureeye: “Madaxweyne lama joogo waqti farriin laga soo dhex diro masjidka madaxtooyada”

Recommended Posts

Deeq A.   
1000115153.jpg

Agaasimihii hore ee Hay’adda Maamul Wanaagga iyo La Dagaalnka Musuqmaasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo arrinta gobolada Waqooyiga, isaga oo baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Agaasime Gureeye ayaa ku tilmaamay waqtiga hadda Soomaaliya gashay mid khatartiisa leh, kana khatar weyn tii dhacday 1991kii, islamarkaasna loo baahan baraarug iyo feejignaan mug leh oo Soomaalinimo iyo waddaniyadi hagayso.

“Waxaa marag ma doonto ah in la galay waqti xasaasi ah oo u baahan wadatashi iyo isku duubni, sidaa darteed waxaan dowladda federalka Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa in aan la joogin waqti farriin laga soo dhex diro masaajid ku yaal madaxtooyada iyo in dalxiis iyo damaashaad loo aado dalal shisheeye oo dadkooda hagaajistay, waxaa la joogaa waqtigii ficilka iyo wax ka qabashada xaaladaha ba’an ee dalkeennu wajahayo si degdeg ah wax looga qaban lahaa” ayuu yiri agaasime Guureeye oo la hadlay Puntland Post.

“Waxaan leeyahay madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waqti danbe oo dib loo dhigtaa ma harin, waana la isla soo dhaafay hadal iyo kuday siyaasadeeysan, waxaa la joogaa waqtigii talada dalka miiska la soo saari lahaa lana dhex dhigi lahaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo u danqanaysa danta, midnimada iyo mustaqbalka dadka & dalka, waxaa la taagan yahay waqtigii dowladdu meel iska dhigi lahayd qorsha kasta oo xeelad siyaasadeed ku dhex qarsoon tahay iyo xukun kororsi, waxaa la joogaa waqtigii dalka iyo dadka la samatabixin lahaa, kalsoonida dowladnimo iyo rajada shacabka Soomaaliyeed oo dhan dib loo soo nooleyn lahaa” ayuu raaciyay.

Agaasime hore Guureeye ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay dalka dib ugu soo celiso meeshii ay ugu timid markay xilka la wareegtay 15-kii May 2022kii, islamarkaana ay degdeg dib uga laabato wax ka baddalka dastuurka ee khilaafku ka taagan yahay, sidoo kale wuxuu ugu baaqay  in ay joojiso barnaamijka E-visa, kaarka NIRA iyo doorashada qof iyo cod oo intaba aan heshiis lagu ahayn, xiiligana aysan suurto gal ahayn sida uu sheegay.

Dhanka kale agaasime Guureeye wuxuu sheegay in ay socdaan shirar siyaasadeed iyo faragelin shisheeye oo aan la sii fiirsan karin, taasna looga gubi karo midnimo, isku duubni, waddaniyad iyo isu tanaasulid.

“Waxaan si gaara ula hadlayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waxaa la joogo waqtigii aan gacmaha is qabsan lahayn, dalkeenna iyo sharafkeennana aan si mug leh oo wadajir ah u ilaashan lahayn, lagana soo wada horjeensan lahaa ka shaqaynta dano shaqsiyadeed oo xeeladaysan, maaweelo lagu dhuminayo danteenna iyo kala qaybinta ummadeed” ayuu yiri agaasime Guureeye.

Madaxda dawladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayuu ugu baaqay in ay bilaha soo socda la yimaadaan qorshe heshiis lagu yahay oo lagu dhiso dowlad dib u soo nooleysa Soomaaliya.

Agaasme Guureeye wuxuu u mahadceliyay doorka culimada, indheer-garadka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta jecel horumarka iyo midnimada dalka iyo doorkii shariifka ahaa ee danjire Abuukar Cismaan Baalle ka muujiyey shirkii loo dhamaa ee Golaha Amaanka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this