Deeq A. Posted Saturday at 09:22 AM Ciidanka Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in la sii daayay shixnado maandooriye ah oo hore loogu qabtay dekedda magaalada Muqdisho Taliyaha hoggaanka canshuuraha Booliska Soomaaliya Gen. Bariise oo maanta ka hadlay war saacadihii la soo dhaafay baahay oo sheegayay in taliyihii hore ee dekedda Muqdisho Col. Axmed Khadar Maxamed uu is casilay kaddib markii Taliye Asad ku armay in la sii daayo shixnado maandooriye ah oo lagu qabtay dekedda ayaa yiri “ma jiraan wax maandooriye ah oo dekedda laga fasaxay, wararkaasi waa been abuur la faafiyay” Sidoo kale maareeyaha dekedda Muqdisho Maxamed Cali Ameeriko ayaa isna beeniyay wararkan oo lagu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha, wuxuuna yiri “ma jiro wax maandooriye ah oo laga saaray dekedda”. Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Asad Cismaan Diyaano ayaa taliyaha cusub ee dekedda Muqdisho u magacaabay Mahad Korow, kaas oo maanta xilka la wareegay. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites