Deeq A. Posted Saturday at 10:44 AM Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, kaddib safar uu 22-dii bishii Diseembar 2025 kaga baxay magaalada Kismaayo oo ku aaday dalka Imaaraadka Carabta. Sanadkii tagay ee 2025, marar kala duwan ayuu Madaxwaynaha Puntland socdaal ku tegay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, safaradaas oo aysan jirin cid ku wehelisay iyo war laga soo saaray. Imaatinka madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan weli dowladda Puntland caddeyn mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland. Maalimihii la soo dhaafay isimo, siyaasiyiin iyo culimo ayaa ugu baaqayay xukuumadda madaxweyne Deni in ay caddeyso mowqifka reer Puntland ee midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites