Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo qabtay madaxweynaha Venezuela iyo xaaskiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
1000115268.jpg

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah dalka Venezuela, kaas oo lagu qabtay madaxweyne Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.

Ciidanka Maraykanka ee Delta Force, oo ah cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah, ayaa fuliyay howlgalka lagu soo qabtay Maduro iyo xaaskiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Venezuela Delcy Rodriguez ayaa sheegtay in dowladdu aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin madaxweyne Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores. Fariin maqal ah oo laga sii daayay taleefishinka dowladda Venezuela ayaa lagu ku sheegay in dowladdu ay dalbaneyso caddeyn muujineysa in Maduro iyo Flores ay weli nool yihiin.

Maamulka Trump ayaa muddo dheer ku eedeenayay Maduro inuu ka ganacsado daroogada iyo inuu la shaqeeyo kooxaha burcadda ah ee loo aqoonsaday ururada argagixisada, taasoo Maduro uu beeniyay.

Maraykanka wuxuu hore u ballanqaaday abaalmarin lacageed oo dhan $50 milyan in uu siinayo cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada madaxweyne Maduro.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this