Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Somaliland oo “oggolaaday” in loo wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur

Recommended Posts

Deeq A.   
1000115373-1-1440x1190.jpgMadaxweyne Cirro

Muqdisho (Wararka PP) — Kaddib markii qaar ka mid ah xildhibaannada iyo senetarrada maamulka Somaliland ee labada aqal ay soo jeediyeen in wadahadallada ku saabsan midnimada ay tahay inay dhexmaraan Waqooyi iyo Koonfur, waxaa soo baxaya warar sheegaya in maamulka Somaliland uu mabda’ ahaan aqbalay soo jeedintaas.  La-taliye sare oo ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Puntland Post in qodobka asaaska inuu u noqdo wadahadallada uu yahay in midowgii ka hor laba soohdin gumesyte ka kala jireen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

La-taliyuhu ma sheegin sida ay Dowladda Federaalku uga falcelisay doodda xuduudahii gumeysiga. Waa qodob si dadban u xoojinaya doodda xuduudihii gumeysiga oo uu maamulka Somaliland cuskado marka uu difaacayo goosashada iyo aqoonsiga sharcidarrada ah ay Israa’iil siisay maamul sheeganaya inuusan ka mid ahayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

1000115366.jpgMadaxweyne Xasan Sheekh

Gorfeeye ku sugan Hargeysa ayaa baraha bulshada ku soo qoray in maamulka Somaliland qaato habka goosashodoonka Koonfurta Yemen gaar ahan Cadan oo ku dhawaaqay labo sano oo ku meelgaar ah si loo qabto afti la mid ah tii ay Qaramada Midoobay duljoogtaynaysay oo loo sameeyay Eritreeya 1993, sanadkaas oo Eritreeya ay noqotay dal la aqoonsan yahay.

Maamulka Puntland ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin doodda ku salaysan xuduudihii gumeysiga oo maamulka Somaliland u arko mid sharci ah. “Aamusnaanta maamulka Siciid Cabdullaahi Deni waxaa loo fasirtay inuu taageersan yaay aqoonsiga sharcidarrada ay ay Yuhuuddu siisay maamulka goosashodoonka” ayuu yiri cilmibaare ku sugan Boosaaso. Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan marnaba si cad u sheegin, ayaa diblomaasiyiinta la socodsiisay in wadahadalladii ay Muqdisho iyo Hargeysa yeesheen tan iyo 2012kii ahaayeen kuwo  dhexmaray Waqooyi iyo Koonfur.

© Puntland Post, 2025

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this