Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Jubbaland oo toogasho ku fulisay Aadan Ibraahim

Recommended Posts

Deeq A.   
608272656_1339345094903855_2053546696622

Kismaayo (Caasimada Online) –  Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Marxuum Aadan Ibraahim Axmed Macoow oo ahaa askari ka tirsan ilaalada madaxtooyada maamulkaas, kaas oo horay u dilay askari kale.

Marxuumka ayaa lagu oofiyay xukunka qisaasta Allaha u naxariistee marxuum Cabdifataax Cumar Shariif oo ay ka wadan tirsanaa ciidamada Jubbaland,

“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta xukunkan dil ah ku fulisay dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaasoo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Dowladda Jubbaland. Waxa uu horey u dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Jubbaland” ayay tiri Jubbaland oo faahfaahisay dilka.

Dilka uu horay u gaystay askariga maanta la toogtay ayaa ka dhashay muran soo kala dhex-galay lisaga iyo marxuumka, iyadoo kadib ay sidaas kiiska kula wareegtay maxkamadda ciidamada ee maamul-goboleedka Jubbaland.

“Muran soo kala dhexgalay labada askari, oo ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, ayaa ugu dambeyn sababay in mindi uu watay Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu ku dilo saaxiibkiisii oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada, Cabdifataax Cumar Shariif, 24-6-2025” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Sidoo kae, baaris dheer kadib, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo saddex jeer kiiska u fariisatay ayaa ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Axmed Macoow, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar.

Ugu dambeyntii, maanta ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah Aadan Ibraahim Macoow, iyadoo maxkamadda ciidamada, iyada oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta maxkamadda, ehellada marxuumka iyo dadweyne kale.

Jubbaland ayaa horay sidaan oo kale toogasho ugu fulisay askar iyo xubno ka tirsanaa A-Shabaab oo lagu helay fal-dambiyeedyo ka dhacay maamulkaasi.

608272656_1339345094903855_2053546696622 608718993_1339345591570472_2759089525218 608747877_1339345454903819_4522286821581 608916163_1339345301570501_4427196486037 608992428_1339345174903847_7541974698178 609121124_1339345244903840_8997400825526 611197712_1339345501570481_4188311210230 611351325_1339345348237163_1524370868386 Boolis-Jubbaland.webp?resize=696%2C381&s Ciidan-jubbaland.webp?resize=696%2C549&s

The post Sawirro: Jubbaland oo toogasho ku fulisay Aadan Ibraahim appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this