Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qarax ka badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114898.jpg

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta ka badbaaday qarax lagu eegtay wadada u dhaxaysa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar, xilli uu ka soo noqday magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday madaxweyne Guudlaawe, waxaana dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah askar iyo saraakiil la socotay madaxweynaha.

Maamulka Hirshabeelle ayaa weli faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxa lala beegsaday gawaarida madaxweyne Guudlaawe ee ka dhacay bannaanka magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaaas.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this