Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabakad wareed been-abuur ah oo ku eedeeysay Saalax Jaamac iyo Biixi Iimaan hawlo qarsoodi ah oo la xiriira Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114979-1-1440x810.jpgBiixi Iimaan Cige (bidix) iyo Saalax Jaamac oo Israel Mirror isku dayday inay sharaf-dil u geysato.

Muqdisho (Wararka PP) — Dowladda Yuhuuda ayaa qaadday tallaabo ay been uga sheegayso Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Saalax Jaamac. Shabakad wareed oo aan ku jirin kaydka shabakadaha wararka lana magacbaxday Israeli Mirror ayaa ku doodday in Saalax iyo Biixi si qarsoodi ah uga shaqeeyeen aqoonsiga sharcidarrada ah ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Baaritaan ay samaysay Puntland Post ayaa lagu ogaaday in Israel Mirror ay tahay shabakad war beeneed aan lahayn meel lagala soo xiriiro iyo meesha xarunteedu tahay. Xogta ku qoran shabakadda waxay sheegaysaa in Israeli Mirror xarunteedu tahay Hindiya iyo in Kyrion Media, oo ah shirkad aan sheegin meesha xarunteedu tahay, ay leedahay Israel Mirror, inkastoo Kyrion Media isku tilmaanto shabakad fidisa warar saxaafadeedyada.

1000114996-749x1440.jpg

“Shirkadaha noocan ah waxaa loo yaqaannaa shirkad qolof ah (shell company) oo xitaa sirdoonka dalalka ayaa isticmaala si ay been u fidiyaan ama iskaga dhigaan ganacsi sharci ah” ayuu yiri xeeldheere wax ka qora amniga oo isaga oo aan doonaynin in magaciisa la xigto la hadlay Puntland Post. “Ujeeddada ugu weyn ee shabakaddaas waa fidinta wararka beenta ah oo ay uga gol-leedahay inay isku dirto siyaasiyiinta Soomaalida, abuurto kala shaki iyo inay dambi aan sal lahayn saarto dad Soomaaliyeed” ayuu xeeldhara amni intaas ku daray.

Sirdoonka Israa’iil, oo doonaya inuu indhaha dunida ka sii jeediyo Tuhmame Dambi Dagaal Benjaim Netenyahu, ayaa aad uga shaqaynaya inay abuuraan jawi kala fogaansho ka dhex dhaca hoggaamiyayaasha Soomaalida xilli Israa’iil ay ku baraarugtay in aqoonsiga aan sharciga ahayn ay siisay maamulka Somaliland uu yahay mid guuldarro kala kulmay shanta dal ee haysta diidmada qayaxan kaddib markii toddaabkan uu Golaha Amaanku yeeshay kulan aan caadi ahayn ku saabsanaa qarannimada Soomaaliya, oo ay Israa’iil ku xadgudubtay kaddib markii Netanyahu farriin Whatisapp ah ugu sheegay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi  in “Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.”

© Puntland Post, 2025

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this