Sign in to follow this  
Maaddeey

Shirkii Baarlamaanka oo buuq ku dhamaaday Duqeyn billaabatay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta uga furmay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho oo buuq ku dhamaaday

 

Axad, May 16, 2010 (HOL) − Waxaa buuq ku dhamaaday kulan uu maanta ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka oo dhawaan la dayactiray.

 

Xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka sara ee Baarlamaanka ayaa buuq ka dhaliyay fadhiga markii guddoomiyaha uu soo galay xarunta, waxayna isdul-saareen kuraastii lagu fariisan lahaa, iyagoo ku qaylinaya dooni mayno Sheekh Aadan Madoobe.

 

Wasiirro badan oo ku fikir ah xildhibaannada kasoo horjeeda guddoonka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dastuurka, Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga iyo wasiirro kale ayaa waxay sheegeen inuu dhammaaday xilligii guddoonka baarlamaanka, sidaa daraadeedna aysan aqbalayn inuu Sheekh Aadan Madoobe shirka guddoomiyo.

 

"Sheekh Aadan Madoobe ma ahan guddoomiye xilligiisii shaqo wuu dhamaaday waana xildhibaan baarlamaanka ka tirsan, ma aqbalayno inuu guddoomiyo shirka" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed oo hadal kooban jeediyay.

 

Xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyaguna ku eedeeyay xildhibaannada kale inay doonayaan inay burburiyaan dowladda, dooddooduna ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

 

"Mudanayaasha kasoo horjeeda guddoonka ma ahan kuwo diiddan Sheekh Aadan Madoobe ee waa kuwo diidan Qaranka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xildhibaanada taageersan Sheekh Aadan Madoobe.

 

Ciidamada AMISOM oo gudaha xarunta ku sugnaa ayaa isku gadaamay halka uu fadhiyay guddoomiyaha baarlamaanka si ay ammaankiisa u sugaan, iyadoo kulanka aysan kasoo qaybgelin Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaarihiisa.

 

Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku dhacay dhowr madfac iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen, waxaana kulanka uu ugu dambeyn ku gabgaboobay muran iyo buuq iyadoo xildhibaannadii kasoo horjeeday guddoonka ay goobta isaga baxeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Duqeymo Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo sababay khasaarooyin kala duwan

Duqeyn160510.jpg

 

 

Axad, May 16, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay 30-qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen duqeymo ay maanta oo Axad ah Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogagga kasoo horjeeda.

 

Duqeymahan ayaa waxay ka dhasheen Weerar madaafiic ah oo ay xoogagga ka horjeeda Dowladda ku qaadeen xarunta Golaha Shacabka oo uu ka furmayay shirkii baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaafiicda ayaa intooda badan ku dhacay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta ahaa mid howlihiisa ay hakad ku jireen cabsi laga qabay duqeymaha awgood, waxayse waxyeello ku gaartay suuqa dad badan oo shacab ah.

Duqayn160510_1.jpg

"Madfac kusoo dhacay xaafaddeena waxaa ku dhintay 8-qof, 12-qof oo kalena way ku dhaawacmeen" ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Kaaso-bobolaare ee degmada Hodan, halkaasoo ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah.

 

Sidoo kale 7-qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen goob shaaha lagu cabo oo ku taalla suuqa Bakaaraha, kaddib markii ay laba madfac oo isdabajoog ah ku dhaceen, waxaana sidoo kale gubtay afar bakhaar oo ay ku dhaceen madaafiic.

 

Degmada Xamarjadiid ayaa ka mid ah degmooyinka ay khasaaraha dhimasho iyo midda dhaawac ka dhasheen, halkaasoo ay ku dhaceen tiro madaafiic ah oo ka mid ahaa kuwii ay tuurayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

Madaxda gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa sheegay inay qaadeen 30-qof oo dhaawacyo kala duwan qaba, isuguna jiray qaybaha bulshada, iyagoo gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

duqayn_dameer.jpg

 

 

Tiro madaafiic ah ayaa sidoo kale ku dhacay degmooyinka ku jira gacanta Dowladda iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof inta la ogyahay, waxaana madaafiic ku dhacay garaash ku yaalla degmada Xamarjajab uu sababay burbur gaadiid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

 

 

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

War Deg-Deg ah:-Duqeyn Ba’an oo ku hoobanaysa Suuqa Bakaaraha iyo Madaafiic lagu garaacay Guriga Umada.- 16 May 2010

waxaa la daabacay Sun 16 May 2010 05: 52: 27

Muqdisho:-Madaafiic Xoogan ayaa xiligan ku dhacaysa Suuqa Bakaaraha iyadoo daqiiqado ka hor l;a garaacay Xarunta ay ku shirayaan Baarlamanka Soomaaliya.

Wararka xiligan naga soo gaarayo Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Madaafiicda Hoobiyaha iyo PM-ka ay sida roobka oo kale ugu daadanayaan Suuqaasi.

 

 

Duqeynta Bakaaraha ayaa timid markii Tiro Madaafiic ah lagu garaacay Guriga Umada oo ay maanta ku shirsanyihiin Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya halkaasi oo madaafiic ay ku dhaceen.

 

 

Madaafiicda ay soo ridayeen Mucaaradka ayaa waxa ay ahaayeen Kuwa u badan Hoobiyayaal kuwaasi oo ku dhacay hareeraha Xarunta shirka uu ka socanayo wallow aan la garanayn qasaraha ka soo gaaray xildhibaanad shirsan.

 

 

Amisom ayaa Hoobiyayaal iyo PM sida roobka oo kale ugu daadiyay Bakaaraha waxaana la maqlayaa Madaafiicda oo ka dhacaysa Xarunta Madaxtooyada oo laga ridayo hubka lagu duqeynayo Bakaaraha.

 

 

Madaafiicda ayaa waxca ay yihiin kuwa sidoo kale u dhacaya Xaafado ka mida Degmada Hodon Magaalada Muqdisho iyo Xaafado ka mida Degmada Wardhiigley Magaalada Muqdisho.

 

 

Xaalada ayaa kacsan duqeyntana waxa ay tahay mid daqiiqad walba isa sii badalaysa oo sii badanaysa waxaana laga baqayaa in qasaara badan ay sababto wallow Suuqa Bakaraaha saaka dadka ay ka baqanayeen oo aanay jirin cid ku dhiiratay.

 

 

E_Mail: webmaster@shacabka.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this