Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo war ka soo saaray is-weerarka wasiirada DF ee Waqooyi iyo Koonfur

Recommended Posts

Deeq A.   
Sanbaloolshe-Sanbalooshe-1.jpg?fit=2560%

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland iyo weerarka dhanka baraha bulshada ee dhex-maray wasiirrada dowladda ee ka soo kala jeeda waqooyiga iyo koonfurta dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Sanbaloolshe:

Waxaan ku arkay baraha bulshada is-xagxagasho iyo faro is-taag-taag rag fara badan oo dowladda ka wada tirsan, qaasatan golaha wasiirrada. Waa nasiib-darro weyn arrinkaasi iyo qiyamkii dowladnimada oo hoos loo dhigay. Waxaana muuqata in kala dambeyntii xukuumadda meesha ka baxday. Ha lagu soo laabto heykalka dowladnimada oo madaxda dowladdu ka xakameyso fowdada baahday. Waxaa habboon in arrinkan aan looga doodin baraha bulshada, balse ay habboon tahay in golayaasha dowladda dhexdooda looga doodo. Gacmo geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa sharci-darro, lamana aqbali karo, waana in aan dhammaanteen meel uga soo wada jeesanno difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalkeenna. Shaqsiyan, sida ugu adag ayaan u cambaaraynayaa tallaabadaas ay Israa’iil qaaday.

Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed xasuusiyo in arrinka Somaliland uu taagnaa 64-kii sano ee aan xornimada haysanay, halka aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay uu 6 maalmood oo keliya yahay. Sidaas darteed laguma eedeyn karo walaalaha metela Somaliland in ay taageersan yihiin ficilka xun ee Israa’iil ku kacday. Waxaa kuligeen nagu waajib ah in aan fahanno in dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay aysan u baahnayn in boogahooda la damqiyo, ee ay u baahan yihiin in la daweeyo.

Madaxda reer waqooyi (Somaliland) ee u halgamaya midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed ma mudna in sharafkooda meel looga dhaco, oo dacaayad iyo aflagaado raqiis ah oo dad hal qabiil u badan ay wadaan maalin kasta lala dul taagnaado. Waana dhaqan khatar ku ah baadi-goobka midnimada ummadda Soomaaliyeed ee aan u halgameyno.

Waxaan ku bogaadinayaa madaxda maanta war-murtiyeedka soo saaray mowqifkooda ku aaddan midnimada dalka, waxaana ku boorinayaa in ay sidaas ula sii dhawaadaan.

Madaxda iyo guud ahaan wax-garadka Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in ay ka fogaadaan erayada xanafta leh ee kala geynaya quluubta shucuubta Soomaaliyeed. Waxaan rabaa in aan dadka qaar xasuusiyo in wakiillada Somaliland, ama guud ahaan wakiillada metela gobollada kale ee dalka ee ka baxsan Muqdisho ee Xamar jooga, aysan ahayn shaqaale Mogadishu Clan, balse ay yihiin dad u taagan jiritaanka iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed. Dad gaar ahina ma dhihi karaan “hala xisaabiyo” ama “ha is-caddeeyaan.”

Waxaa aad u muhiim ah in dowladdu la timaado siyaasad cad oo ku aaddan arrinka midnimada. Anigu inta aan ogahay, wax la isku ogyahay oo arrinkaasi meel yaalla ma jiro, marka laga reebo in mabda’ ahaan aan u diidannahay wax la yiraahdo “lala go.”

The post Sanbaloolshe oo war ka soo saaray is-weerarka wasiirada DF ee Waqooyi iyo Koonfur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this