Deeq A. Posted 7 hours ago Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa maanta dagaal culus la galay kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaannada Godka Galayda iyo Shoolka oo u dhaxeeya Towfiiq iyo Wardhaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad-goboleedka HirShabelle. Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada saxda ah. Warar kale oo la helayo ay sidoo kale sheegaya in duqaymo ay ka dhaceen deegaanno kale oo halkaas ka dhow, walow aan faah-faahin dheeri ah laga helin. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadli dagaalkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay soo saarto faah-faahinta khasaaraha ka dhashay dagaalka. Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanayay gobolka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda. The post Dagaal culus oo ka dhacay Sh/dhexe – Yuu u dhaxeeyey? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites