Sign in to follow this  
Deeq A.

Abaarta Puntland: Reer miyiga Nugaal oo xaaladooda laga dayrinayo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114893-1440x810.jpg

Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in dadka reer guuraaga ah ee ku nool miyiga gobolka Nugaal ay soo wajahday biyo iyo cunto la’aan daran, islamarkaana u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Maamulka gobolka Nugaal wuxuu ugu baaqay guddiga abaaraha Puntland in ay si degdeg ah wax ula gaaraan dadkaas iyo duunyadooda oo biyo iyo cunto la’aanta haysata ay ugu darsantay qabow aad u daran.

“Gudo Nugaaleed iyo gudo Howd ba baraf iyo dhaxan ayaa ka jirta, dad iyo duunyana wax allaale iyo wax ay afka geliyaan ma haystaan, biyo na waa waayeen, waxaan ugu baaqaynaa guddiga abaaraha in ay arrintaas si degdeg ugu istaagaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.

Dhammaan gobolada Puntland waxaa ka jirta abaar daran oo saameysay dad iyo duunyo, waxaana ku soo xerooday magaalooyinka qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta.

Dadka soo gaaray magaalooyinka iyo tuulooyinka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post inaanu jirin ilaa iyo hadda wax gurmad ah oo ka soo gaaray guddiga abaaraha Puntland iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Guddiga abaaraha oo guddoomiye u yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa lagu dhaliilaa in aysan wax tallaabo ah qaadin tan markii la magacaabay.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this