Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka soo horjeensatay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000104298-1440x1115.jpg

Xukuumadda Puntland ayaa shan maalmood kaddib ka soo horjeensatay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Daljir ayaa sheegay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada iyo wadajirka dadka & dalka Soomaaliyeed.

“Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayay ahayd, East Sanaag Clan saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogay, calanka buluugga ah ayaa xornimada lagu qaatay, calan Somaliland ahna ma jirin” ayuu yiri wasiir Caydiid.

“Hadday Isaaq go’ayaan intooda ayay la go’ayaan oo ah Woqooyi Gaalbeed, qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb yar oo Sanaag ah” ayuu raaciyay.

Hadalka wasiir Caydiid ayaa yimid, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay isimada iyo siyaasiyiinta Puntland ugu baaqayeen xukuumadda madaxweyne Deni in ay caddeyso mowqifka reer Puntland ee midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaliyeed.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this