Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo mar kale Si u aflagaadeeyay Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadallo muran dhaliyay ku weeraray jaaliyadda Soomaalida Ameerikaanka, isaga oo ku andacooday in ilaa 90% musuqmaasuqa ka jira Minnesota ay sabab u yihiin dad uu sheegay inay si sharci-darro ah uga yimaadeen Soomaaliya.

Qoraal uu Trump ku baahiyay baraha bulshada ayuu si gaar ah ugu beegsaday xildhibaanadda Congress-ka Ilhaan Cumar, isaga oo ku eedeeyay inay ka mid tahay kuwa wax isdaba mariya, isagoo ku celceliyay hadallo horey loo cambaareeyay oo ka dhan ah Soomaalida.

Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in Soomaalida lagu celiyo dalkooda, isaga oo Soomaaliya ku sifeeyay dal musuqmaasuq badan.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Maraykanku uu hakiyay $185 milyan oo kaalmada federaalka ah oo lagu bixin jiray barnaamijyada daryeelka carruurta ee Minneapolis, kadib eedeymo la xiriira musuqmaasuq, taas oo si weyn u taabatay xarumo ay maamulaan Soomaali Ameerikaan ah.

Jaaliyadda Soomaalida iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, iyaga oo ku tilmaamay kuwo dhaawacaya wada noolaanshaha bulshada, kuna saleysan eedeyn guud oo aan caddeyn buuxda lahayn.

Khubaro sharci ayaa xusay in musuqmaasuq kasta lagu wajaho sharciga, balse aan lagu beegsan karin bulsho dhan ama asal qowmiyadeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this