Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo La Wareegtay Hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dalka uu noqon doono shir guddoonka Golaha Ammaanka xilli ay Soomaaliya ku jirto dagaal diblumaasiyadeed oo ka dhashay Aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay Soomaaliland.

Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo u ah Soomaaliya, maadaama ay muujinayso kalsooni caalami ah iyo taageero loo fidiyay dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan nabadgelyada, xasilloonida, iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga.

Golaha Ammaanka ayaa shir guddoonka u doorta qaab meerta ah, taasoo micnaheedu yahay in xubnaha Golaha ku jiraahi ay isugu xegaan sida ay u kala horreeyaan xarfaha qoraalka Ingiriiska ee magacyadoodu ka bilowdaan.

Hoggaaminta Golaha ammaanku waa fursad ay Soomaaliya ku kasban karto saaxiibo diblumaasiyadeed iyo iskaashi weyn oo ay la yeelato, dalalka dunida taas oo ka caawin ka karta ka hortagga xadgudubka Israa’iil iyo kobcinta saameynteeda arrimaha dibadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this