Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Amartay in khudbadda Jimcaha looga Hadlo Midnimada iyo Khatarta Faragelinta Shisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   

​Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar muhiim ah oo ku socda dhammaan imaamyada iyo khadiibyada masaajidda dalka.

Wasaaraddu waxay fartay culimada in khudbadda Jimcaha ee ku beegan 02/01/2026 xoogga lagu saaro ahmiyadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

​Sidoo kale, amarka ayaa lagu xusay in si gaar ah looga hadlo khatarta ay leedahay faragelinta Yuhuudda, iyadoo dhammaan khadiibyada masaajidda dalka la faray inay sidii loogu talagalay u fuliyaan amarkan maalinta Jimcaha ah.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta qarannimada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this