Sign in to follow this  
Deeq A.

​Gaashaanbuurta Midnimada: Gurmadka Diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo wajigabaxa ku dhacayIsraa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

​Iyadoo dunidu ay indhaha ku hayso xaaladda Geeska Afrika, waxaa soo baxday sawir mug weyn leh oo muujinaya guusha diblamaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay fagaaraha caalamka.

Xog ay soo ururisay Goobjoog ayaa daaha ka fayday baaxadda garab-istaagga ay Soomaaliya ka heshay saaxiibbada ku kala firirsan shanta qaaradood, kuwaas oo si aan gambasho lahayn u caddeeyey inay u taagan yihiin ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

​Isbahaysiga Shanta Qaaradood

​Taageeradan ballaaran kuma koobna gobol gaar ah, balse waa mid ka timid dalal tiradoodu gaarayso 50 dowladood oo ka kala yimid daafaha dunida.

Qaaradda Afrika, dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Ereteriya, Masar, iyo Nigeria ayaa safka hore kaga jira difaaca qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, qaaradda Aasiya iyo dalalka Carabta, gaar ahaan Shiinaha, Sacuudiga, iyo Qatar, waxay muujiyeen mowqif adag oo ku aaddan ixtiraamka soohdimaha Soomaaliya.

​Dhanka Galbeedka, quwadaha waaweyn ee Yurub iyo Ameerika sida Mareykanka, Ingiriiska, iyo Faransiiska, iyo waliba waddamada xiriirka dhow la leh Soomaaliya sida Turkiga, ayaa qayb ka ah cududda diblamaasiyadeed ee garabka u noqotay dowladda federaalka.

Tani waxay markhaati u tahay in qarannimada Soomaaliya ay tahay mid dunidu u aqoonsan tahay lama-taabtaan.

​Codka Ururrada Caalamiga ah

​Ma ahan oo kaliya dalal madax-bannaan, balse waxaa jira 8 urur oo ah kuwa ugu saamaynta badan adduunka iyo gobolka oo si wadajir ah codkooda ugu biiriyey difaaca Soomaaliya.

Qaramada Midoobay (UN), Midowga Afrika (AU), iyo Jaamacadda Carabta ayaa bixiyey dammaanad qaad dhanka sharciga caalamiga ah, halka urur goboleedyada sida IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay adkeeyeen wadajirka deegaanka. Sidoo kale, taageerada Midowga Yurub (EU) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) waxay sii xoojisay garabka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamka.

Dhanka kale, culeyska diblamaasiyadeed ee ka dhashay isbahaysiga ay Soomaaliya la leedahay siddeedda urur ee ugu waaweyn caalamka, sida Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray wax kasta oo taageero ah oo ay Israa’iil u heli lahayd damacyada ka dhanka ah midnimada Soomaaliyeed.

Joogitaanka dalalka sida Falastiin, Iiraan, iyo Lubnaan ee liiska saaxiibbada rasmiga ah ee Soomaaliya waxay sii adkaysay garab-istaagga qaranimo, iyadoo muujinaysa in adduunka oo dhan uu maanta u taagan yahay difaaca soohdimaha Soomaaliya. Sidaas darteed, ma jiro hal dal oo caalami ah oo ku dhiirraday inuu raaco wadada Israa’iil ama uu aqoonsi u raadiyo Somaliland, taas oo ka dhigan in midnimada Soomaaliya ay tahay mid ay beesha caalamku isku raacsan tahay, halka Israa’iil ay dhex fadhido wajigabax diblamaasiyadeed iyo taageero la’aan baahsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this