Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo u mahadcelisay dalal iyo hay’ado garab-istaag u muujiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114129.jpg

Dowladda Fderraalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray go’aankeeda ku aadan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Qoraal ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran loogu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadday tallaabooyin siyaasadeed, kuwo sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this