Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqo joojin lagu sameeyay guddoomiyihii Maxkamadda Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000114133-1440x959.jpg

Xubnaha guddiga sare ee maamulka garsoorka Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Cabdisalaan Cabdulle.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay go’aankan gaareen kaddib baaritaan iyo hubin lagu sameeyay eedeymo iyo cabashooyin ka yimid shacabka oo la xiriira howlaha garsoorka ee gobolka Mudug.

Sidoo kale xubnaha guddiga sare ee maamulka garsoorka Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay garsoore ka tirsan maxkamadda racfaanka gobolka Mudug.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa fartay xeer-ilaayaha guud ee dowladda in uu waajibaadkiisa shaqo ka qabsado xubnaha shaqada laga joojiyay ee tirsan garsoorka Mudug.

1000114132-1044x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this