Deeq A. Posted December 31, 2025 ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ Fadhigii 48-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Fadhigii 48-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen: ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu sugan yahay, dabaal-degyadii arrinta Aqoonsiga Somaliland ay dhawaan Gobollada Dalka ay si nabadgelyo leh ku dhammaadeen. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, isaga oo sheegay in sannadka 2025-ka uu ahaa mid ay Wasaaraddu ku tallaabsatay horumar la taaban karo. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, isaga oo dul istaagay hab-sami-u-socodka dedaallada ictiraafka. Waxa kale oo uu iftiimiyey habraacyada ay Wasaaraddu diyaarisay ee la xidhiidha nidaamka loo qorshaynayo ee loo qaabilayo Wufuudda iyo Warbaahinta ka imanaya Caalamka ee ku soo qulqulaya Jamhuuriyadda Somaliland. ๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ค๐๐๐ข๐: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac. Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu kulan muhiim ah la yeeshay Culimada dalka, isaga oo kala tashaday arrimaha la xidhiidha Aqoonsiga ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay Dawladda Israel, kuna adkeeyey midnimada Qaranka iyo wada-tashiga, isaga oo Culimada u xaqiijiyey ilaalinta qiyamka iyo ku adkaanshaha Diinta Islaamka iyo danaha siyaasiga ah ee uu leeyahay Qaranka JSL ee khuseeya la macaamilka bulshada Caalamka. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐ฅ-๐๐๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ข๐๐ ๐๐ฒ ๐ฎ๐ ๐ ๐ช๐๐๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐ง ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey: 1. Gobolka Maroodijeex: Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi 2. Gobolka Awdal: Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good, 3. Gobolka Sanaag: Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Maxamed Cabdulmalik Axmed, 4. Gobolka Sool: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Biniโaadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. 5. Gobolka Saaxil: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Mudane Yoonis Axmed Yoonis. 6. Gobolka Togdheer: Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire). 7. Gobolka Gabiley: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi. Wasiirradu waxa ay sheegeen in dhammaan Gobollada dalka Xafladihii dabaal-degyada Aqoonsiga Somaliland ay u dheceen si la yaab leh, nabad iyo farxad leh, iyaga oo ummadda Somaliland ay muujiyeen isku duubni iyo midnimo Qaran, isla markaana ay farriin cad u direen cadowga Somaliland. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siisay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ahna siihaya Wasiirka Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax-Yacniile. Wasiirku waxa ay sheegtay dedaallada Wasaaradda ee horumarinta adeegyada caafimaadka, iyada oo hoosta ka xarriiqday in gobollada xuduudaha ah ay lagama maarmaan tahay in loo dejiyo Qorshe Qaran oo lagu daboolayo baahiyaha caafimaad ee bulshada degaannada xuduudaha. Sida oo kale, Wasiirku waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay Degmada Dacar-Budhuq ka fulin doonto adeeg caafimaad oo bilaash ah oo ay ka faaโiidaysan doonaan dad ka badan 300 oo qof. ๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ซ๐ฒ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐: Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax isaga oo sheegay in Koobka Horyaalka Horyaallada Kubadda Cagta ee Naadiyada JSL uu si rasmi ah uga furmi doono magaalada Berbera, halkaasi oo ay isugu iman doonaan in ka badan 1,200 oo dhallinyaro ah. Wasiirku waxa uu sheegay in fursaddaa looga faaโiidaysan doono wacyigelin la xidhiidha marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ), ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News Share this post Link to post Share on other sites