Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadhigii 48-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 48-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhigii 48-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in ammaanka guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu sugan yahay, dabaal-degyadii arrinta Aqoonsiga Somaliland ay dhawaan Gobollada Dalka ay si nabadgelyo leh ku dhammaadeen.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, isaga oo sheegay in sannadka 2025-ka uu ahaa mid ay Wasaaraddu ku tallaabsatay horumar la taaban karo.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, isaga oo dul istaagay hab-sami-u-socodka dedaallada ictiraafka. Waxa kale oo uu iftiimiyey habraacyada ay Wasaaraddu diyaarisay ee la xidhiidha nidaamka loo qorshaynayo ee loo qaabilayo Wufuudda iyo Warbaahinta ka imanaya Caalamka ee ku soo qulqulaya Jamhuuriyadda Somaliland.

๐Ÿ’. ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ค๐š๐๐ข๐›:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac. Wasiirku waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu kulan muhiim ah la yeeshay Culimada dalka, isaga oo kala tashaday arrimaha la xidhiidha Aqoonsiga ay Jamhuuriyadda Somaliland ka heshay Dawladda Israel, kuna adkeeyey midnimada Qaranka iyo wada-tashiga, isaga oo Culimada u xaqiijiyey ilaalinta qiyamka iyo ku adkaanshaha Diinta Islaamka iyo danaha siyaasiga ah ee uu leeyahay Qaranka JSL ee khuseeya la macaamilka bulshada Caalamka.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐š๐ฅ-๐๐ž๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ข๐๐š ๐š๐ฒ ๐ฎ๐ ๐š ๐ช๐š๐›๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐ž๐ž๐ง ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey:

1. Gobolka Maroodijeex: Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Khadar Xuseen Cabdi

2. Gobolka Awdal: Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good,

3. Gobolka Sanaag: Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Maxamed Cabdulmalik Axmed,

4. Gobolka Sool: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Biniโ€™aadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

5. Gobolka Saaxil: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL Mudane Yoonis Axmed Yoonis.

6. Gobolka Togdheer: Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire).

7. Gobolka Gabiley: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

Wasiirradu waxa ay sheegeen in dhammaan Gobollada dalka Xafladihii dabaal-degyada Aqoonsiga Somaliland ay u dheceen si la yaab leh, nabad iyo farxad leh, iyaga oo ummadda Somaliland ay muujiyeen isku duubni iyo midnimo Qaran, isla markaana ay farriin cad u direen cadowga Somaliland.

๐Ÿ”. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siisay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, ahna siihaya Wasiirka Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax-Yacniile.
Wasiirku waxa ay sheegtay dedaallada Wasaaradda ee horumarinta adeegyada caafimaadka, iyada oo hoosta ka xarriiqday in gobollada xuduudaha ah ay lagama maarmaan tahay in loo dejiyo Qorshe Qaran oo lagu daboolayo baahiyaha caafimaad ee bulshada degaannada xuduudaha. Sida oo kale, Wasiirku waxa ay sheegtay in Wasaaraddu ay Degmada Dacar-Budhuq ka fulin doonto adeeg caafimaad oo bilaash ah oo ay ka faaโ€™iidaysan doonaan dad ka badan 300 oo qof.

๐Ÿ•. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐…๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฒ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฒ๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax isaga oo sheegay in Koobka Horyaalka Horyaallada Kubadda Cagta ee Naadiyada JSL uu si rasmi ah uga furmi doono magaalada Berbera, halkaasi oo ay isugu iman doonaan in ka badan 1,200 oo dhallinyaro ah. Wasiirku waxa uu sheegay in fursaddaa looga faaโ€™iidaysan doono wacyigelin la xidhiidha marxaladda cusub ee taariikhiga ah ee uu dalku galay.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this