Deeq A. Posted 6 hours ago Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa maalintii shalay safar shaqo oo ay ugu kuurgelayaan xaaladda dadka iyo deegaanka kusoo maray magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Balli-gubadle iyo deegaanno kale oo hoos yimaadda, waxana ay halkaas kala kulmeen soo dhaweyn diirran oo ay ku qaabileen qaybaha bulshada deegaannadaas ku dhaqani. Safarkan shaqo ee uu wasiirka madaxtooyadu ku tegay gobolka Hawd oo ay ku wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, agaasimeyaal guud iyo maareeyayaal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii xog-ogaal loogu noqon lahaa xaaladda nololeed iyo baahida dadka iyo deegaanka, loona indho indhayn lahaa mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, iyada oo la dhagax-dhigay tiro mashaariic ah oo ay xukuumaddu ka fulin doonto deegaannada gobolka Hawd hoos yimaadda. Meelaha ay weftigu kormeerkooda ku tageen ee sida weyn loogu soo dhaweeyey waxa kamid ahaa deegaannada Sayla, Balli-cabbane iyo Balli-gubadel, waxana halkaas kulamo lagula yeeshay haldoorka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaannadaas ku dhaqan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites