Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qaadacay natiijada doorashadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Shariif-1-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta qaadacay natiijada doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir oo uu xalay ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ururka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa eedeyn culus u jeediyay Guddiga Doorashada, wuxuuna sheegay in codadkoodii la gadistay, loona wareejiyay xisbi kale.

“Ujeedo qaadacaadda natiijada doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banadir, Urur Siyaasadeedka Horumar iyo Midnimo Qaran waa urur si sharci ah ugu diiwaangashan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran, kana mid ahaa ururradii ka qayb-galay doorashadii golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir ee ka dhacday Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka ururka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Kadib qiimeyn rasmi ah ururku wuxuu xaqiijinayaa madax banaanida iyo dhex-dhexaadnimada Guddiga Doorashooyinka la jabiyay, isla markaana maqnaashiyaha maxkamadda dastuuriga ah ay meesha ka saartay habkii sharciga ahaa ee lagu xallin lahaa murannada doorashooyinka”.

Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ayaa si gaar ah uga cabanaya doorashadii degmada Waabari, wuxuuna sheegay in codadkii ay ka heleen degmadaas lagala noqday, kadibna guddiga uu u wareejiyay xisbiga Xasan Sheekh.

“Intaa waxaa dheer natiijada Ururka Horumar iyo Midnimo Qaran ee degmada Waabari oo ay Guddiga Doorashooyinka horay u shaaciyeen ayaa si sharci darro ah loo farogeliyay, loona wareejiyay Urur Siyaasadeedka JSP ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya oo xalay shaaciyay natiijada kama dambeysta ah ee doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sida ay kuraasta u kala heleen Xisbiyadii tartamay, kuwaas oo gaaraya illaa 20 urur siyaasadeed.

Sida ku cad natiijada waxaa kuraasta ugu badan helay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweynaha, kaas oo 177 Mudane ku yeeshay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ay tani u dhigan tahay celcelis 45%.

Kaalinta labaad waxaa isna soo galay Xisbiga Towfiiq oo helay 49 Xildhibaan oo degmooyinka gobolka Banaadir ah, celceliska codadka uu helay waa 12.6%.

Xisbiga Ramaas ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad wuxuuna helay 42 Kursi, halka 4-aad uu soo galay Karaama oo isna helay 39 Kursi halka urur siyaasadeedka 5-aad uu noqday Sincad oo helay 26 Kursi.

The post Xisbiga Shariif Xasan Sheekh Aadan oo qaadacay natiijada doorashadii Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this