Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: JABUUTI oo xirtay xafiiskii Somaliland ee dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
Geelle.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah xukuumadda Somaliland, waxayna soo saartay go’aan culus oo lagu xiray xafiiskii ay Somaliland ku lahayd gudaha dalkaasi.

Xafiiskan oo furnaa tan iyo sannadkii 2012-kii ayaa haatan dowladda Jabuuti waxay sheegtay in albaabada la’isugu laabay sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay horay u diiday.

Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in aqoonsigaas uu ka hor imaanayo xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana ay kasoo horjeedo.

“Iyadoo la tixraacayo is-waafaq la’aanta ku xeeran go’aanka ay qaateen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ee ku saabsan dhisidda iskaashi lala yeesho Israa’iil, kaas oo ku saleysan aqoonsi ka hor imanaya xeerarka sharciga caalamiga ah, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay go’aansatay inay xirto xafiiska xiriirka ee maamulkaas goboleed, kaas oo ka furnaa gudaha dalka Jabuuti tan iyo sannadkii 2012.” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay Jabuuti.

Kahor inta aanu soo bixin go’aankan, Somaliland ayaa u yeertay wakiilkeedii dalka Jabuuti, iyada oo fartay inuu dib ugu soo laabto magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wakiilka loogu yeeray wada-tashi, maadaama ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dib ugu yeedhatay Wakiilkeedii u joogay Jamhuuriyadda Jabuuti, si uu wadatashi ugu yimaado magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Arrintan ayaa ka mid ah wadahadallada iyo la-tashiyada diblomaasiyaedeed ee socda, isla markaana waafaqsan hab-raacyada iyo dhaqanka caalamiga ah ee diblomaasiyadda”.

The post DEG DEG: JABUUTI oo xirtay xafiiskii Somaliland ee dalkaas appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this