Sign in to follow this  
Deeq A.

Darbiga Sharciga: Maxay Israeliyiintu ugu guuldarraysteen inay u safraan Hargeysa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixintii dhowaan uu qoray wariye u dhashay maamulka Israel oo damacsanaa inuu booqasho ku tago magaalada Hargeysa, ayaa daaha ka qaadday xaqiiqo weyn oo inta badan laga indho-tiro marka laga sheekaynayo arrimaha aqoonsi raadiska Somaliland. Inkasta oo Israel ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland Todobaadkiii , haddana xaqiiqada dhulka ka jirta iyo nidaamka caalamiga ah ayaa muujinaya in Somaliland ay weli tahay gobol ka mid ah Soomaaliya inteeda kale, dalkuna uu yahay hal mid ah.

Nidaamka Caalamiga ah iyo Midnimada Soomaaliya

Caqabadda ugu weyn ee hortaagan wariyahaas iyo qof kasta oo kale oo raba inuu Israel uga safro Hargeysa, ayaa salka ku haysa in dunidu ay weli u aqoonsan tahay maamulka Somaliland qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah iyo madaarrada adduunka ayaa ku shaqeeya xeerarka hay’adda duulista ee IATA, kuwaas oo aan aqoonsanayn inay jirto cid ka madax-bannaan Soomaaliya oo xaq u leh inay bixiso oggolaansho duulimaad ama mid socdaal oo ka madax-bannaan nidaamka guud ee dalka.
Wariyaha reer Israel waxa uu ogaaday in aqoonsiga dalkiisu uu yahay mid aan ka shaqaynayn madaarrada Dubai ama dalalka kale ee gobolka. Taasina waxay caddayn u tahay in go’aanka Israel uu yahay mid siyaasadeed oo aan wax xaqiiqo ah ka beddelin mabaadi’da midnimada Soomaaliya ee ay beesha caalamku ku xidhan tahay.

Caqabadaha Baasaboorka iyo Fiisaha

Maadaama Somaliland ay tahay gobol Soomaaliyeed, nidaamka socdaalku wuxuu ku xidhan yahay xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya. Tan iyo markii ay soo baxday warka ku saabsan xiriirka dhex maray Israel iyo maamulka Hargeysa, waxaa sii xoogaystay xannibaadaha socdaalka. Dadka haysta baasaboorka Israel uma oggola inay soo galaan dhulka Soomaaliyeed, maadaama aysan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal.
Wariyaha qoraalkan sameeyay waxa uu si cad u qirtay in isaga iyo dadka kale ee Israeliyiinta ah ay u xidhan tahay inay cagta dhigaan Hargeysa, waayo dalku waa hal nidaamka fiisaha ee Soomaaliyana ma oggola muwaadin Israeli ah in uu taggo Hargeysa isagoo soo marin Muqdisho oo nidaamka Evisa soo marin. Tani waxay dharbaaxo ku tahay rajadii laga lahaa in aqoonsiga Israel uu horseedo iskaashi furan, waxayna mar kale xoojisay in go’aan kasta oo ka dhan ah midnimada Soomaaliya uu ku dambaynayo fashil iyo xannibaad socdaal.

Gabagabo

Safarka fashilmay ee wariyaha reer Israel waa cashar muhiim ah oo ku saabsan xaqiiqada Geeska Afrika. Waxay muujisay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, nidaamka caalamiga ahna aanu aqbalayn kala qaybinta dalka. Inta ay Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, aqoonsi kasta oo dibadda laga keeno ma noqon doono mid beddela nidaamka socdaalka iyo xaqiiqada sharciga ah ee dalka, taas oo ka dhigaysa riyadii wariyahaas iyo kuwii kaleba mid ku dhex dhacday darbiga weyn ee midnimada Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this