Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dowladda Federaalka wax aan dhib ahayn noogama yimaadaan

Recommended Posts

Deeq A.   
1000113805.jpg

Puntland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya  ka joojisay dhammaan mashaariicda horumarineed ee caalamka, islamarkaana ay la dagaalamayso dowladnimadeeda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay Garowe ayaa yiri “Dowladda Federaalka ah oo aan ka mid nahay wax aan dhib ahayn oo nooga yimaada ma jirto”

Wuxuu sheegay in Dowaladda Federaalka aysan ka taageerin miisaaniyadda iyo dagaalka argagixisada Daacish, islamarkaana ay ka joojisay dhammaan mashaariicdii horumarineed ee caalamka, taas baddelkeedana ay dhaqaale ku bixiso waxyeelaynta amniga iyo midnimada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland wuxuu xusay in aysan doonayn in ay Soomaaliya ka go’aan, balse ay rabaan dowlad federaal ah oo wax la wada leeyahay, taasina ay tahay waxyaabihii loo asaasay Puntland.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this