Deeq A. Posted 14 hours ago Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa hadlay shidaalka Soomaaliya iyo go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland. Erdogan oo ka hadlay shir jaraa’id oo magaalada Istanbul ay ku wada qabteen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay Soomaaliya ka bilaabaan hawlgalka shidaal qodista sannadka 2026. Sidoo kale Ankara waxay intaas ku dartay in ay dhawaan xeebaha Soomaaliya u soo diri doonto labo markab oo cusub oo ah kuwa qoda badda qotada dheer. Dhanka kale madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo si adag uga hadlay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ayaa sheegay in uu yahay mid aan sharci darro ah oo aan la aqbali karin. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites