Deeq A. Posted 19 hours ago Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo la sheegay in ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga labada dal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay isu maray dalalka Jabuuti iyo Turkiga oo uu ku tagay safarro diblomaasiyadeed. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites