Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka, UK, Pakistan, iyo Shiinaha, iyo Giriiga oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan Ruushka, Boqortooyada Ingiriiska (UK), Pakistan, Shiinaha iyo Giriigga, ayaa si wadajir ah oo adag u diiday tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay aqoonsiga Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid khilaafsan sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Wakiillada dalalkan oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka ayaa si cad u sheegey in Somaliland ay ka mid tahay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax aqoonsi caalami ah oo ka madax-bannaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxay ku adkeeyeen in midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin mabda’ aan gorgortan ka geli karin.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka hal-dhinac ah ee noocan ah ay wiiqayaan nidaamka caalamiga ah, isla markaana ay abuuri karaan xiisado siyaasadeed iyo amni darro hor leh. UK iyo Giriigga ayaa dhankooda carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga Israa’iil uu carqaladeynayo dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in kala-qaybin lagu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay ay horseedi karto khataro amni oo gobolka iyo caalamkaba saameeya, gaar ahaan marka ay timaaddo la dagaallanka argagixisada.

Dalalkan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay dib uga laabato go’aankeeda, iyagoo ku boorriyay beesha caalamka inay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo axdiyada caalamiga ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this