Deeq A. Posted 7 hours ago Adeega Internet-ka ee shirkadda isgaarsiinta Golis ayaa tan iyo maanta galinkii dambe ka maqan deegaannada Puntland, marka laga reebo magaalada Boosaaso. Cilladan ayaa la sheegay in ay timid kaddib markii xariga internet ee dhulka hoostiisa mara (Fiber-ka) ee shirkadda Golis uu ka go’ay deegaanka Laag oo hoostaga degmada Boosaaso. Shirkadda Golis ayaa weli ka hadlin cillada ku timid Internet-keeda oo ah kan loogu isticmaalka badan yahay deegaannada Puntland. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites