Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Suldaan Garaase oo Deni baaq u diray

Recommended Posts

Deeq A.   
1000112678-1440x960.jpg

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada Puntland ayaa madaxwaynaha Puntland ku dhaliilay ka aamusnaanta go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Suldaan Garaase ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay in uu si degdeg ah u caddeeyo mowqifka Puntland ee ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Puntland oo khilaaf gudaha ah kala dhexeeyo Dowladda Federaalka ayaa weli ka hadlin go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland oo dadka qaarkii aaminsan yihiin in uu saameynayo deegaanno ka tirsan Puntland.

Hoos ka daawo hadalka Suldaan Garaase

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this