Deeq A. Posted 10 hours ago Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Jabuuti ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dadaallada diblumaasiyadeed ee lagaga soo horjeedo go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Sidoo kale labada madaxweyne waxay isla qaateen in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’antahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, ayna ku kalsoon tahay garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites