Sign in to follow this  
Deeq A.

LIXLE WAXA KU SOO KORDHAY MADAXWEYNE CIRRO IYO JAAMAC GAABUUSH.

Recommended Posts

Deeq A.   

LIXLE WAXA KU SOO KORDHAY MADAXWEYNE CIRRO IYO JAAMAC GAABUUSH.

marka hore waxaan hambalyaynayaa dhammaan Shacabka reer Somaliland ee ku nool daafaha dunida Somaliland aqoonsigeeda.

Taariikhdu waa taxane layska dhaxllo lixle iyo raggii dalkan ku shahiiday IHN way rumawday waxay u dhinteen maanta.

Waxa taariikhdii ugu qiimaha badnayd helay madaxweyne c/rahman maxamad Cabdillaahi oo dhaartii iyo ballankii uu ummadda la galay sidii la rabay uga soo baxay si geesinimo leh oo xirfadaysan.

Jaamac gaabuush oo ay dadku aad carrabka ugu hayaan isaguna wax weyn ayuu dalka u qabtay taariikhdaa qori doonta,dawladdu waxay ku shaqaysaa galaangal dhaqaale oo caalamiya si aanuu amnigu u burburin, jaamac kaalin weyn ayuu ka qaatay inaan dalka albaabbadu u xidhmin meel kasta oo s/land wax uga soo kordhayaanbba aqoon wixii uu lahaa wuu geliyay isna wuxuu ahaa way soo bixi, maanta waxa innala gudboon in cadowga lala jihaado oo gobanimada la sharfo.

C/qaadir koosaar sannad isagoon hayn snm ayuu dhisay cabdirahman ahmad cali sannad isagoon hayn ayuu dalka xoreeyay cabdirahman maxamad Cabdillaahi sanad isagoon hayn ayuu aqoonsigii keenay taariikhdaas halla ilaaliyo waxa leh dhammaan ummadda s/land intii madax soo martay oo ay u mudanyihiin saddexda madaxweyne ee maanta nooli, hallaysku duubmo oo hallaysu dulqaato.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this