Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo la shiray madaxda ururradii ka qeyb-galay doorashada Muqdisho + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
605606886_1336478108523325_3958141190146

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda 20-ka urrur siyaasadeed ee ka qayb-galay doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Doorashada oo aheyd mid lagu soo dooranayay golaha deegaanka degmooyinka gobolka Benaadir ayaa 25-kii bishan si nabdoon u dhacday caasimadda dalka.

Madaxweynaha ayaa madaxda ururada ku bogaadiyay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen hirgalinta hannaanka dimuquraadiyadda dalka iyo dhabar adeygii ay muujiyeen.

Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi bilow u ahayd, xaqiijinta himmilada weyn ee Soomaaliya nabad ah, dimuquraadi ah, isku filan, isla markaana horumarsan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta ururada kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen, qadiyadda difaaca qarannimada iyo ilaalinta midnimada dalka.

Waxa uuna ku booriyay in ay muujiyeen diidamadooda ka dhanka ah damaca gurracan ee kala qaybinta dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda ururada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay, go’aankiisii dhaxal galka ahaa ee hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod, si talada dalka dib loogu celiyo shacabka.

Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay dowladda si buuxda ugu garab taagan yihiin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

605650438_1336477995190003_6716122035054

602919861_1336478075189995_4081549893080

605606886_1336478108523325_3958141190146

606066431_1336478135189989_5966735848108

608061577_1336478068523329_6684076671813

605124375_1336478225189980_6198135888974

605129041_1336478101856659_6122340841788

606310284_1336477991856670_6662766371955

605566864_1336478141856655_1775901211257

605922499_1336478178523318_8365351422705

603904956_1336478185189984_3844354954766

The post Sawirro: Xasan oo la shiray madaxda ururradii ka qeyb-galay doorashada Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this