Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh kaga hadlay Khudbadda uu u jeediyay xildhibaannada labada aqal?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000112298-1440x959.jpg

Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka ayaa si adag uga hadlay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Netanyahu ay tahay mid aan marnaba la aqbali karin, isla markaana ay ka dhigan tahay xadgudub cad oo ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah.

“Tallaabada uu Netanyahu qaaday waa mid aan marnaba la aqbali karin, waana mid xadgudub ku ah qawaaniinta caalamka, waxayna ka dhigan tahay duullaan qaawan oo lagu qaaday madaxbannaanida dalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan u sheegaynaa caalamka in xadgudubka iyo isku dayga Netanyahu uu khatar ku yahay amniga caalamka, isla markaana uu dhiirrigelinayo xagjirnimada” ayuu raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay mas’alo dhex taalla Soomaaliya, sidaas darteedna aan la aqbali karin faragelin bareer ah oo lagu doonayo in dalka lagu kala qeybiyo.

Sidoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda Falastiin ayaa yiri “Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin si qasab ah dhulkooda looga raro, laguna keeno dalkeenna ama dal kale toona”.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this