Deeq A. Posted December 28, 2025 Senator Cismaan Aadan Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maana ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay, uuna ka baxay siyaasadda Soomaaliya. Senator Dubbe ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo qadiyada Somaliland, islamarkaasna uu ka tanaasulay mab’adii uu markii hore aaminsanaa ee midnimada Soomaaliya. Wuxuu soo dhaweeyay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu muddo saddex sano ah dhibaato ku hayay bulshada Somaliland iyo Puntland. Is casilaada Dubbe ayaa ku soo aaday, iyadoo xalay uu madaxweyne Xasan Sheekh kulan la qaatay xildhibaannada labada aqal ee soo jeeda Somaliland, islamarkaasna uu laka hadlay go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland. PUNTLAND POST Share this post Link to post Share on other sites