Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Xasan Sheekh: Iskuduubnida Shacabka Soomaaliyeed waa Farriin Cad oo loo Diray Netanyahu

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in iskuduubnida iyo midnimada ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, ee ku aaddan diidmada xadgudub kasta oo lagu sameeyo madaxbannaanida dalka, ay tahay farriin cad oo toos ah oo loo dirayo Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo cid kasta oo damac xun ka leh Soomaaliya.

“Iskuduubnida ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee ku aaddan inaan madaxbannaanidooda lagu xadgudbi karin waxay farriin cad u tahay Netanyahu iyo kuwa damaca xun,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay mar kale muujisay in Soomaaliya ay tahay qaran leh dad u taagan difaaca sharafkooda, dhulkooda, iyo madaxbannaanidooda, isla markaasna aan la aqbali karin faragelin dibadeed oo wiiqaysa qarannimada dalka.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ku wajahan dhammaan qeybaha bulshada, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, in la adkeeyo wadajirka, midnimada, iyo ilaalinta Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in midnimo la’aantu ay fursad siinayso cadowga Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u wada taagan yihiin difaaca madaxbannaanida dalka, ayna sii xoojin doonaan mowqifka mideysan ee Soomaaliya kaga hortagayso xadgudub kasta oo ka imanaya dibedda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this