Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo kashifay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-Cabdi-Barre-scaled.webp?fit=2560%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Al-Jasiira ayaa mar kale si adag kaga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kaas oo ay horay u diiday dowladda dhexe.

Xamza ayaa wareysigan ku shaaciyay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay heshiiska ay la gashay Somaliland ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna sheegay ujeedkeeda ugu wayn uu yahay in ay saldhigyo ku yeelato Geeska Afrika, si ay u maamusho dhaq-dhaqaaqa Badda iyo marin biyoodka Baabul Mandab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Netanyahu iyo xukuumaddiisa ay doonayaan inay isku ballaariyaan dhulka istaraatiijiga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, balse tilaabadaas aysan marnaba aqbali doonin Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortago damaca indho la’aanta ah ee Israa’iil, isaga oo tilmaamay inuu khatar wayn ku yahay gobolka oo dhan, loona baahan yahay in si mideysan looga hortago qorshaha ay damacsan tahay Tel Aviv.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa horay u caddeysay mowqifkeeda, waxaana ay si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku taariikheysan 26-ka Diseembar 2025 ayaa lagu caddeeyay in tallaabada Israa’iil ay si toos ah ugu xadgudbayso Dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo heshiisyada aas-aaska u ah Midowga Afrika, gaar ahaan mabda’a ilaalinta xuduudaha dalalka Afrika ee lagu dhaxlay xornimada.

Dowladda Federaalka ayaa intaas kusii dartay in aysan jirin cid dibadda ah oo sharci u leh inay wax ka beddesho xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in wax kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada qaranka ay yihiin kuwo aan lahayn wax saameyn sharci ama mid siyaasadeed.yaa si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba, ha’ahaatee, falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay maamulka Somaliland, waxaana ka horyimid ururro caalami ah iyo Dalal waa wayn oo saaxib la ah Soomaaliya.

The post Xamza oo kashifay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this