Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay mucaaradka iyo xildhibaannada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   
1000112057-1440x960.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay Madasha Samatabixinta ee mucaaradka, kaas oo looga arrinsaday xaaladda soo korortay ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

“Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeeshay xildhibaannada labada aqal ee gobolada Waqooyi, kaas oo isagana looga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this