Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub oo diiday go’aanka Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000112155-1440x960.jpg

Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu taageersan yahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu ku boorriyay dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland in ay yeeshaan wadahadal macno leh, si xal waara loogu helo khilaafaadka soo jireenka ah.

Wuxuu intaas ku daray in nabadda iyo xasiloonida Geeska Afrika ay ku xiran tahay iska ilaalinta faragelinta dhuleed iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.

Dalal badan oo caalamka ka mid ah iyo ururro caalami ah ayaa diiday go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay taageersan yihiin midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this